Faah faahino ka soo baxaya dil ka dhacay gobolka Galgaduud.

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya koox hubeysan qof shacab ah ku dishay deegaanka Dharjo oo hoos yimaado magaalada Dhuusamarreeb  ee caasimadda maamulka Galmudug

Qof ka la dilay ayaa la sheegay in deegaan ahaan uu ka soo jeedo magaalada Dhuusamarreeb, iyada oo dalbeydana ay ka yimaadeen deegaanka Ceel-garas ee isla gobolka Galgaduud kuwaas oo goobta ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in deegaanka dilku uu ka dhacay ay ka taagan tahay xiisad culus, waxana lagu waramayaa in saan saan dagaal ay ka socoto deegaanka Dharjo.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in dilkaan uu salka ku hayo aannooyin qalbil, taas in muddo ah ka jeertay deegaanno hoos yimaado magaalada Dhuusamarreeb.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku aaddan dilkaan ka dhacay gobolka, sidoo kale majiraan faahin faahino kale oo dheeraad oo la xiriiro dilkaan dhaliyay raadka colaadeed.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed