Faah faahino ka soo baxaya dagaal u dhaxeeya Ciidamo taabcsan Somaliland iyo SSC-khaatumo

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC ee Khaatumo ayaa maanta laga soo sheegayaa deegaanka Bisiqa ee degmada Yeyle ee gobolka Sool.

Dagaalka hadda socda ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay mid aad u culus inkastoo aan wali si dhab ah loo ogeyn deegaanada ay iska horimaadyadu ka socdaan iyo inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.

Sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaadiid dagaal oo kala qabsaday balse si rasmi ah looma oga xaqiiqada  gadiidkaas oo si weyn loo hadal hayo.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ee Khaatumo ayaa maalm ka hor  isku horfadhiyay  deegaanada Buqdharkayn iyo Yayle oo ay horay ugu dagaalameen labada dhinac.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahano deegaanka ah ayaa garab siinayaan ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaankaasi.

Ciidamada SSC ee Khaatumo ayaa la sheegay iin horay ay dab qabadsiiyeen tuulada Buqdharkayn, kadib markii ay sheegeen in dad deegaanka ah oo ka soo jeeda deegaanka Buqdharkayn ay laayeen dad reer miyi ah, kuwaas oo deganaa bariga tuulada, sida ay ku warrameen dadka deegaanka, isla markaana lagu baahiyay  baraha bulshada .

Ka dib markii lagu gubay magaalada Buqdharkayn ee deegaanka SSC ayaa waxaa baaq nabadeed u diray madaxda maamulka Khaatumo, halka qaar kamid ah madaxda Somaliland ay diideen inay nabada qaataan.

Dagaalkan hubaysan ee dhex maray ciidamada Somaliland iyo ciidamada SSC iyo Khaatumo ayaa hore u sababay dhimashada boqolaal qof iyo barakaca tiro kale.

Wixii soo kordho halkaan kala soco hadii Alle idmo

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed