Faah faahino ka soo baxay dagaal khasaaro geystay oo malleeshiyo beeleed ku dhexmaray gobolka Sool

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka maanta ka dhacay deegaanno hoos u yimaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Ugu yaraan afar qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Maraga, oo qiyaastii 18 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool  maanta oo Arbaca ah.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, iska horimaadka ayaa billowday markii kooxaha dagaallamaya ay isku khilaafeen lahaanshaha gaari ciidan oo uu  ku rakibnaa qoriga loo yaqaan suugga oo kamid ahay hubkii ciidamada Somaliland looga furtay dagaaladii looga saaray Sool, sida ay sheegeen dad xog ogaal ah.

Wararka ayaa intaasi raacinaya in gaarigaas maleeeshiyaadka ay doonayeen in ay u wataan dhinaca Puntland, balse waxaa diiday maleeshiyaadka kale, taasina waxay keentay in ay dagaallaamaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada ku lugta leh iska horimaadka oo ku aadan dhacdadan.

Si kastaba ha ahaatee maamulka SSC-Khaatumo iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku guulaystey in ay kala dhex galaan labada ciidan ee dirirtu dhexmartay iyadoo ay wadeen dadaalo lagu doonayey in lagu xaliyo shaqaaqadaasi si nabad ah.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed