Faah Faahino Ka Soo baxay dagaal Culus oo dhex maray Dowladda iyo Al Shabaab.

Faah Faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha baa Soomaaliya kaas oo u dhex maray Ciidanka dowladda, kuwa deegaank oo dhac ah iyo Al Shabaab, waxana ka dhashay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagalkaa ayaa la isku adeegsaday hub xooggan oo laga maqlay guud ahaan deegaanka, dagaalkaan ayaa ka dashay kadib markii Al Shabaab ay weerar Culus ku soo qaadeen Saldhigyo Ciidanka dowladdu iyo Deegaanka ay ku lahaayeen degmada Masagawaa.

Wararka ayaa sheegaya in Ismiidaamin iyo gawaari loo adeegsaday Waxyabaaha qarxa lagu fuliyay Weerarkaan lagu qaaday Degmada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.

Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay dagaalkaas, dowladda ayaa sheegtay in ay iska difaaceen Weerar Al Shabaab ay ku soo qaadeen Fariisamo ay ku sugnaayeen Ciidanka, Khasaaro xooggan ay gaar siiyeen Kooxdii Weerarka ku soo qaaday, iyaga oo ka dilay 18 dagaal yahan.

Si Kastaba Muddooyinkii dambe gobolka Galgaduud waxaa Socday Howlgallo ah wadeen Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka iyada oo dhowr jeer ay dhaceey dagaallo u dhaceeyo dowladda iyo Al shabaab.

HBN New Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed