Faah faahino ka soo baxay 6 qof oo shacab ah oo ku dhintay Shabeelada Hoose iyo dhawac tiro kale

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ugu yaraan Lix qof oo Shacab ah oo ku dhimatay  Qarax Miino oo ka dhacay gobolka Shabeelada Hoose, kadib markii ay haleeshay Miino lagu aasay dhulka gaari ay la socdeen, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday Wadada xiriirisa Degmooyinka Qoryoolay iyo Shallanbood ee gobolka Shabeelada Hoose, waxana lagu eedeyay Al shabaab in ay miinadaan galiyeen wadada.

Qaraxan ayaa sidoo kale Sababay Dhaawaca 12 qof oo Shacab ah,iyadoo dhaawacyada la gaarsiiyey goobaha caafimaadka  Degmada Shallanbood,dadkan Shacabka ah ayaa ku safrayey Gaari Bus ah oo ah nooca loo yaqaan PL-ka.

Guddoyamaha Shabaleeda Hoose ayaa sheegay in Al shabaab ay waddada ay galiyeen miinada taas oo keentay in ay la kacdo gaariga PL-ka loo yaqaan oo badi ka shaqeeyo Gobolada dalka, gaar ahaan deegaannada Shabeelada Hoose.

Inta badan deegaannadaka tirsan Shabeellooyinka ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo lagu aaso waddooyinka kuwaas oo dhaliyo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah u geysta dadka shacabka ah ee isticmaalo waddooyinka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed