Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax lagu dilay agaasimihii Somali Cable iyo dad kale oo ka dhacay Muqdisho

Qarax khasaare geystay oo xalay  ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sababay dhibaato  kala duwan, waxaa uu ku soo aaday labo maalmood kadib markii qarax khasaare geystay uu ka dhacay Isgoyska K5.

Qaraxaan Ismiidaaminta ahay  waxa uu ka dhacay Maqaayad ku dhaw Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Agagaarka Cagaaran oo ay ku taalo Madaxtooyada.

Qaraxa ka dhacay Maqaayada Blue Sky, waxaana ku dhintay  Allaha u naxaraiistee agaasimihii TV-ga Somali Cable, Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys, iyo  sidoo kale ilaa 3 ruux oo kale.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkan, balse waxaa la tuhunsan yahay in Al-Shabaab  fuliyeen oo inta badan weeraro noocaan oo kale ah ka geystaan ​​magaalada caasimadda.

Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys ayaa maanta lagu aasayaa magaalada Muqdisho, bahda warbaahinta iyo dad kale ayaa ka qeyb galaya aaskiisa.

Labo todobaad ka hor ayay aheyd markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay Baar bulsho oo ku taala Isgoyska Sayidka, kaasi oo ay ku dhinteen dad badan, kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu halkaasi isku qarxiyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka, iyagoo sheegay inay beegsadeen saraakiil ka tirsan sirdoonka dowladda oo halkaasi ku sugnaa.  In ka badan 50 Suxufi ayaa la dilay tan iyo sanadkii 2010, Soomaaliya waa dalka ugu khatarta badan ee saxafiyiinta Afrika, sida ay sheegtay Ururka Suxufiyiinta aan xuduuda lahayn.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed