Faah faahinno ka soo baxaya qarax xooggan oo lagu weeraray xero ciidamada dowladda ay kula haayeen Ceelasha Biyaha ee dulaadka Muqdisho

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka  weerar ismiidaamin ah ku qaaday fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka magaalada Muqdisho kaas oo dhaliyay khasaaro kala duwan oo naf iyo maal leh.

Xoogaga hubeysan ayaa weerarka ku bilaabay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo ka dhacay saldhiga deegaanka Ceelasha Biyaha oo qiyaastii 15 KM dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay  masuuliyada weerarkaas, kuna dishay askar badan  oo ka tirsan ciidamada dowladda, balse Saraakiisha dowladda ayaan weli ka hadlin weerarka oo ahay mid qorsheysan.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya burbur xooggan oo ka dhashay qaraxa, iyadoo sidoo kale uu saameeyay guryo ay daganaayeen dad rayid ah, goobta ka dhawaa. Ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah lama oga, balse xogaha madaxa bannaan ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen qaar kamid ah ciidamadi ku sugnaa goobta iyo tiro kale oo ah dad rayid ah.

Weerarka ayaa dhacay maalin kadib markii ciidamada amaanka ay qabteen gaari sahay ciidan, shidaal iyo raashiin u rarnaa Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo Jimcihii ka dhacay tuulada Dawaacoley, oo u dhaxeysa magaalooyinka Xiindheere iyo Gadon ee gobolka Galgaduud.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la wareegay talada dalka bishii May ee sanadkii 2022-ka, dowladda ayaa si firfircoon u waday olole xooggan oo ka dhan ah ururk Al-Shabaab, kuwaas oo iyaguna kordhay weerarada ismiidaaminta ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed