Faah faahinno ka soo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Jowhwr

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaysa qarax ka dhacay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Qaraxaan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac,  waxaa ku dhintay sargaal ka tirsan dowladda Hoose ee Jowhar, kaas oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Kaanti, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda maamulka Hirshabeelle faah faahin kama bixin qaraxa nuuca uu ahaay iyo cidda la eegtay,  balse ciidanka ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, kuwaas oo sameeyay baaritaanno kala duwan, laakiin majirto cid loo soo qabtay.

Al-shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah qaraxyo ka fuliyey magaalada Jowhar, iyaga oo sidoo kale ku dilay dad shacab ah iyo masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed