Faah faahinno ka soo baxaya qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay dalka Kenya meel u dhaw xadka Soomaaliya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay dalka Kenya isla markaana sababay khasaaro kala duwan, sid ay sheegeen laamaha ammaanka dalkaas, oo faah faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

Booliska ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen laba kalena ay si xun u dhaawacmeen ka dib markii baabuur ay haleeahay miino wadada dhinaceeda lagu aasay, kaddibna ay qaraxday.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu aasay inta u dhaxeysa Biyo xireenada Egge iyo Bogyar ee ku teedsan Dhadhaab ee gobolka Gaarisa ee u dhaw xadka Soomaaliya. Maamulka ayaa sheegay in labada qof ee dhaawaca ah loola cararay isbitaalka.

Guddoomiye Solomon Chesut ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan weerar ay Al-Shabaab ku doonayeen in ay ku qaadaan isla deegaanka 2-dii bishan December.

Iyadoo laga jawaabayo khatarta sii kordheysa, waxaa si weyn loo xoojiyay tallaabooyinka ammaanka ee aagga. Al-shabaab ayaa billowday sannadkii 2011-kii inay weeraro ka geystaan ​​dalka Kenya, iyadoo ugu horreyntii ay jawaab u ahayd go’aankii ay Kenya ciidamadeeda ugu soo dirtay Soomaaliya.

Faragelinta ciidanka ayaa ka dambeysay afduubyo dhowr ah oo ka dhacay Kenya, oo ay ku jiraan dalxiisayaal iyo samafalayaal.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ay ka geystaan ​​gudaha dalka Kenya ayaa ahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee bishii April ee sanadkii 2015-ka, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed