Xogta Khasaarihii ka dhashay qarixii xerada ciidamada & Al-shabaab oo sheegatay dilka tobonaan

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo dhacay magalaada Muqdisho kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii qof isku soo xiray waxyaabaha qarxo uu galay Kulyadda tababarka ciidamada dawladda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa laga muqlay guud ahaan degmooyinka magaalada Muqdisho, wararka aan helnay ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu dhexgalay  ciidamo carbin ama tababar loogu sameeynaayay xero ciidan oo ku taal degmada Hodan.

Ku dhawaad 20 Askari ayaa ku dhimatay sida aan ka helnay ilo-ka-tirsan laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Goobaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho ayaa la geeyay askartii ku dhaawacantay, kuwaas oo qaarkood qabo dhaawacyo halis ah, sida aan ka soo xiganay goobaha caafimaadka.

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab iyo baraha Internet-ka ayaa sheegatay in 73 qof ay ku dileen weerarkii Kulyadda tababarka.

Ilaa iyo hadda dowladdu  faah faahin ah iyo wax hadal ah kama aysan bixin qaraxaas,  iyada oo ay jiraan hadal heyn xooggan oo ku saabsan suurtagalnimada qofka is qarxiyay uu u galay Xerada ciidanku ay ku sugnaayeeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed