Faah faahinno ka soo baxaya qarax dhaliyay khasaaro kala duwan oo lala bartilmaameedsaday ciidanka dowladda Soomaaliya

Ugu yaraan 2 askari ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen saddex kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay wateen uu jiiray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa  deegaanka Waxar-Cadde ee degmada Heliwaa. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase ahaatee, booliiska ayaa ku eedeeyay Al-shabaab. Askarta la bartilmaameedsaday ayaa ka tirsanaa qeybta miino baarista ee booliska, kuwaasoo adeegsada eeyaha wax uriya.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay maanta ku beegan tahay 14-ka Oktoobar, markaasoo Muqdisho uu ka dhacay qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 587-qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 350-qof.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed