Faah faahinno ka soo baxaya Masjid ku yaal Galmudug oo dab la qabad siiyay

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya Masjid ku yaal magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug kaas oo xalay la gubay.

Koox aan wali la aqoonsan ayaa xalay dab qabad siisay Masjidkan oo ku yaala Xaafada Horseed ee magaalada Dhuusamareeb, ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay in Masjidkaan la gubo, arrintaan aya dhalisay hada heyn badan deegaannada maamulkaas.

Dhammaan agabkii masjidka yaalay ay bas beelay oo ay kujireen kutubtii qur’aanka culimada masjidkan ayaa sheegay  in dhowr jeer hore ay la  kulmeen hanjabaadyo iyo dhagax tuur lagu hayey jameecada masjidka u timaada Salaada.

Masjidkaan waxaa gacanta ku hayay sida la sheegay  dariiqada loo yaqaan Axmadiyadda ee Ahlusunna Waljamaaca, kuwaas oo caan ka ah deegaannada Galmudug.

Ilaa iyo hadda maamulka Galmuudug kama uusan hadlin dhacdadaan ugubka ah ee ka dhacday Dhuusamareeb.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed