Faah faahinno ka soo baxaya khasaarihii ka dashay dagaalkii Cawsweyne iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo si kulul uga hadlay

Warar kala duwan oo madax bannaan ayaa ka soo baxaya khasaaro dhashay dagaal  shalay dhacay deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud, kadib markii Al shabaab weerar ku bilaawday qaraxyo ismiidaamin ah ay ku qaadeen  saldhigo dhawaan gal ah, oo ay ciidanka dowladdu iyo kuwa deegaanka la wareegeen. Balse ilaa hadda lama helin  xogta rasmiga ah ee ku saabsan khasaaraha soo gaaraya labada dhinac.

Askar badan iyo taliyayaal ciidan oo ka tirsan ciidamada dowladda  iyo kuwa deegaanka  ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen dagaalkaas si ay soo dusiyeen ilo lagu kalsoon yahay, inkastoo dowladdu ay sheegtay in ciidamada ay ku guuleysteen inay iska caabiyeeen  weerarka, haddana waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Owsweyne oo ku dhawaad 20-km u jira degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed  ayaa ku baaqay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo falkii Argagixiso ee ka dhacay deegaanka Owsweyne. Wuxuu aaminsan yahay in askar badan iyo taliyayaashooda weerarkaas lagu dilay, Shariif Sheekh Axmed ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in Guddiga Difaaca Baarlamaanka ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan qaabkii uu weerarkaas u dhacay, isla markaana ay ku soo ogaan lahaayeen Saraakiisha ka mas’uulka ah ammaanka deegaanka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray ehelada askartii iyo saraakiisha ay ka geeriyoodeen. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka dib u xoreynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Jimcihii, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur oo qiyaastii 400 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, wax yar ka dib markii  Al-Shabaab ay si degdeg ah uga baxeen degmada.

Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa muddo toban sano ku dhow xarun u aheyd Al-Shabaab, waxaana qabashadiisa ay dhabar jab weyn ku tahay kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed