Faah faahinno ka soo baxaya howlgallo ka dhacay gobolka Galgaduud oo lagu dilay ilaa 10 xubnood oo ka tirsan ururka Al shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa  howlgal ay ka sameeyeen deegaan ku dhow degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud waxa ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada deegaanka, Cabdulle Maxamuud Barre oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ay ka guuleysteen ururka Al shabaab, isagoo sheegay in howlgalka ay ku dileen 10 xubnood oo ay ku jiraan labo taliye, oo hoggaaminayay dagaalyahannada kooxda Al shabaab.

Ilaa hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay Al shabaab, halka dowladdu aysan sheegin dhankooda wax khasaaro ah in dagaalkaas uu ka soo gaaray.

Howlgalladan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada Danab iyo saaxiibada caalamiga ah ay 60 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen deegaan qiyaastii sideed KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan ee lagu magaacaabo Hilow Bacaad.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed