Faah faahinno ka soo baxaya Dhaqtar dhalinyaro ah oo loo dilay aargoosi qabiil gobolka Mudug

Nin hubeysan, ayaa maqribnimadii xalay waxaa uu xaruntiisa caafimaad ku dilay mid ka mid ah dhaqaatiirta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo kamid ahaa dhaqaatirta ka howl-gasha magaalada Gaalkacyo ayaa kooxo hubeysan xalay fiidkii ku dileen rugta caafimaadka ee Al Xaramayn Clinic oo uu Maamule ka ahaa.

Muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV-ga ee ku xiran xarunta ayaa muujinayay in nin hubeysan oo ay la socdaan labo qof oo aan hubeysneyn uu gudaha u galay xarunta, kadibna uu rasaas ku furay Dr. Sakariye Cabdi Jaamac, taasoo keentay inuu isla markiiba u geeriyoodo.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in raggii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, kadib markii ay dilka geysteen. Dilkaan ayaa salka ku hayo aargoosi qabiil, kaasoo ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dilalka aargoosiga ah ayaa ku soo badanaya waqooyiga gobolka Gaalkacyo sanadka 2023. Dowladda Puntland ayaa wajahaysa baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan in ay ku guuleysan la’dahay la dagaalanka rabshadahaas, gaar ahaan marka ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Dhaqtarkaan ayaa ahay nin dhalinyaro ah, dilkiisa waxaa ka dashay hadal heyn xooggan oo dhanka warbaahinta bulshada ah, waxaana ka falceliyay dad badan iyo ururada arrimaha bulshada, oo ay ku jiraan ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, kuwaas oo cambaareeyay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed