Faah Faahinno ka soo baxaya dagaal dhex maray Ciidanka deegaanka gobolba Hiiraan iyo AS

Faah faahinno dheeraad ay ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay gobolka Hiiraan, dagaal ayaa dhexmaray Ciimada deegaanka iyo Al-shabaab, waxana la sheegay in uu ahay mid culus oo laga maqlay deegannadii lagu dagaalamay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciimada lloo yaqaan Macowsleyda ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisimo Al-shaabab ay ku lahaayeen deegaanka Beerayabaal oo ka tirsan deegaannada hoostaga magalaada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Hoggaamiye u hadlay Ciidaanka deegaanka ayaa ka dhawaajiyay in ay weerar xooggan ku qaadeen deegaankaas, kadib markii ay ka war heleen in Al-shabaab ay halkaasi isku arruursanayeen, waxaa uu sheegay in ay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen, waxaa uu intaasi raaciyay in ay sii wadi doonaan dagaalka Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraam.

Si kastaba, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al-shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolkaas faah faahin ay ka bixiyee..

Gobolka Hiiraan ayaa ah, gobolka kaliya  ee Al-shabaab looga saaray deegaannada ugu badan, dagaalkio Wajiga 1-aad oo ay qaadeen Ciimada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal deegaanka ayaa sheegaya in maanta xiisad xooggan ay  jirto, waxana socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo ah kuwa deegaanka, waxana laga cabsi qabaa in weeraro kale ah dhici karaan.

HBN NEWS DESK.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed