Faahfaahinno ka soo baxaya Al shabaab oo ka baxay deegaanno ka tirsan Galgaduud

Wararka ka imaanaya  gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ururka Al shabaab ay iskaga bexeen deegaanno  ka tirsan ama hoos taga magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ku lahaayeen fariisimo iyo saldhigyo dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Goobjoogayaal kamid ah dadka deegaannadaas ayaa sheegay in deegaanno qiyaastii ku dhawaad 55 km Dhuusamareeb u jira dhinac bari ay Al shabaab faarujiyeen, kadib markii ay ka war heleen abaabul xooggan oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka in ay ku soo wajahan yihiin maalmaha soo aaddan.

Wararka ayaa intaas raacinaya in dagaal yahanno ka tirsan Al shabaab  oo wato gaadiid dagaal ay ka baxeen Ceel-lahelay iyo deegaanno kale, iyada oo sidoo kale gadiid dagaal ay ku wareejiyeen dadka deegaanka, gaadiidkaas ayaa la soo warriyay in markii hore ay ka qaateen dadkaasi, balse bixitaankoodii ka dib ay ku wareejiyeen.

Ilaa iyo hadda faah faahin dheeraad ah lagama bixin sababta Al shabaab ay u wareejiyeen gadiidka ay horay u heysteen. Al shabaabka ka baxay Ceel-lahelay ayaa tagay degmada Ceel-buur ee gobolka Galgduud ah halka ay ku xooggan yihiin marka la eego Galmudug.

Warkaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dowladdu isku diyaarineyso in howgallo xooggan ay ka bilaawdo deegaannada ay Al shabaab kaga sugan yihiin Galmudug, waxana halkaasi ku sugan madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhiggaa, Taliyaha Nabad-Sugidda iyo Taliyaasha Ciidamada Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed