Faah faahinno ka soo baxay Madaafiic lagu garaacay magaalada Muqdisho

Dadka ku dhaqan Degmooyinka Kaxda, Wadiijir iyo Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay dhawaqa Madaafiicda oo ku dhacayay xaafadaha qaar.

Saameynta Madaafiicda ayaa si weyn looga dareemay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana la soo sheegayaa in weerarkaasi uu geystay khasaare naf iyo maalba leh. Tirada weli ma cadda.

Goobaha madaafiicda lagu garaacay ayaa waxaa ka mid ah xaafadda Tarabash ee degmada Wadajir iyo xaafado kale oo ka tirsan Kaxda iyo Dharkeenley. Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay weerarka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdaasi, balse sawirro horudhac ah oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur soo gaaray guryo ay madaafiicdu ku habsatay, balse waxaa la sheegay in ku dhawaad seddex carruur ah in ay ku dhawacmeen halka qof dumar ahna  ku dhimatay, sidoo kale waxaa burbur xooggan uu soo gaaray guryo ay ku dhaceen madaafiicda.

Laamaha ammaanka ee Dowladda Federalka Somaliya, ayaan wax war ah ka soo saarin raggan lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ee fuliyay mafaafiicda.

Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerarada madaafiicda ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee Soomaaliya, maadaama ay dagaalo kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Al-Shabaab ayaa laga saaray caasimadda sanadkii 2011-kii, balse wali waa ay awoodaan in ay fuliyaan weeraro, sababo la xiriira habacsanaanta hay’adaha amniga iyo joogitaanka xubno kamid ah kooxda ee caasimadda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed