Faah faahinno ka soo baxaya dagaal dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal dhex maray ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku dagaallamaay gobolka Shabeelada Dhexe, waxana ka dashay dhimasho iyo dhawaac.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii labada ciidan ay iska shakiyeen, ciimada ayaa midba midka kale waxaa ay iskaga kala shakiyeen  Al-shabaab, waxana dhex maray dagaal qaraar, ku dhawaad socday halsaac, kaas oo ka dhacay Masjid Cali Gaduuud ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Ilo wardoon oo ku sugan deegaanka lagu dagaallamay ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka guud ahaan laga maqlay deegaanka, waxaa ay intaas raaciyeen in ku dhawaad 10 askari ay ku dhimatay, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in mid kamid saraakiisha ciidanka uu ku dhintay dagaalkaas, waxana lagu magacabaa Kabtan Maxamed Axmed Abshir, waxaa la sheegay in uu hoggaamiyay garab kamid ah ciidamadii dagaallamay.

Xaaladda ayaa deggan maanta, waxana goobta ku baxay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, iyada oo dadkii dhaawacmay loo qaaday goobahaa Caafimaadka.

Dhowr jeer ayey dhacday in ciidamo kawada tirsan millatariga Soomaaliya uu dhexmaro dagaaallo sababay dhimasho iyo dhaawac.

HBN NEWS DESK.

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed