Faah faahinno dheraad ah oo laga helay duqeyn cirka ah oo lagu dilay dad rayad ah Khamiistii.

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyn lagu dilay dad rayad ah khamiistii gobolka Galgaduud, wararka ayaa ah kuwa is khilaafsan kadib markii dowladdu ay ku eedeeysay Al shabaab, halka Al shabaab iyo ehelka dadkii la dilay ay sheegeen in Mareykanku dadkaas duqeyn ku dilay.

Todobo qof oo rayid ah oo ay ku jiraan ayeeyo iyo shan caruur ah ayaa  lagu dilay weerarkaas bartamaha Soomaaliya intii uu socday duqeyn cirka ah oo lala beegsaday kooxda islaamiyiinta ee Al shabaab ee dagaalka kula jirto dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in deegaanka Ceel Garas ay ku dishay saddex sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, saddexda xubnood ee la dilay, ayaa waxaa ku daba jiray Sirdoonka Dowladda, iyagoo u baxsaday guri ay degan yihiin dad shacab ah, si ay uga badbaadaan duqeynta, duqeynta sidoo kale waxaa ay galaafatay dad isku qoys ah, balse dowladda ayaa beenisay in ay mas’uul ka tahay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, iyada oo eedda u jeedisay Al shabaab, halka Al shabaaab ay iska fogeeysay.

Axmed Nuur Maxamuud waa sayga haweeney 60 jir ah oo lagu magacaabo Kaaha Warsame, iyada iyo caruur ay ayeeyo u tahay ayaa ku dhinteen duqeynta. Waxa uu sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayay uu guriga u jiray 1 KM  isaga iyo xaaskiisa labaad iyo caruur ay dhaleen, balse meydadka horay loo qaatay, uuna arkay dhiigooda iyo qaar kamid ah jirkooda.

Waxaa uu sheegay in wax xiriir ah waligiis Al shabaab uusan la yeelan “”Weligay wax xiriir ah lama yeelan al-Shabaab, waxaan nahay dad shacab ah, waxaan codsanayaa in qoyskeyga la aaso, waxaan dalbanayaa magdhowga ehelkayga,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xoolo kuwiisa ay ku dhammaadeen duqeynta cirk ah, kuwaas oo meydkooda lagu soo bandhigay warbahinrta bulshada.

Goob joogayaal ayaa  sheegay in ay arkayeen ciidamo Soomaali ah oo meydadka ka qaaday guriga. Sidoo kale, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa BBC-da u xaqiijiyay in qaraxa kadib ay goobta soo gaareen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, duqeynta lagu dilay dadka shacabka ah ayaanan wili loo helin masuuliyadda cid qaadato, marka laga reebo in dhinacyada ay isku eedeeyaan. Balse ilo kala duwan oo madaxbannaan xog-ogaalna ah aya sheegay in duqeyntaas ay fuliyeen diyaaradaha cirka ee dowladda Mareykanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed