Faah faahinno dheeraad ah oo laga helay madaafiic dhaliyay khasaaro xooggan oo ka dhacay dalka Suudaan

Madaafiic culus ayaa ugu yaraan dilay 11 qof, 90 kalena waa ay ku dhaawacmeen magaalada ugu weyn ee ay colaaduhu aafeeyeen ee Suudaan, sida ay sheegtay kooxda gargaarka ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn.

Weerarka ayaaka dhacay xaafadda Karari ee magaalada Umudurman, oo ku xigta caasimadda Suudaan ee Khartuum, kooxdu waxay sheegtay, iyadoo aan la sheegin dhinacyada isku haya dalkaas ee mas’uulka ka ah.

Kooxdan oo sidoo kale loo yaqaano MSF oo Faransiis ah ayaa barteeda X oo hore loo oran jiray Twitter-ka ku sheegtay in dadka dhintay ay ka mid ahaayeen carruur, waxaana dadka dhaawacmay lagu daweynayaa isbitaalka Al Nao ee magaalada Umudurman. Isbitaalku waa mid ka mid ah dhowr xarumood oo ay kooxda caafimaadka ka hawlgasho.

Suudaan waxaa ruxay rabshado tan iyo bartamihii bishii April, markaasoo uu dagaal ku dhex maray militariga dalkaas oo uu hoggaaminayo Gen. Abdel Fattah Burhaan, iyo ciidamada gurmadka degdegga ah, oo uu taliye u yahay Gen. Mohamed Hamden Dagalo.

Iska horimaadku wuxuu markaas ku fiday qaybo badan oo dalka ka mid ah, taasoo yaraysay Khartuum iyo Umudurman oo noqdaan goobo dagaal oo magaalooyinka ah, waxayna sii hurinaysaa rabshadaha qowmiyadeed ee galbeedka gobolka Darfur.

Dhanka kale, MSF waxa ay sheegtay in mid ka mid ah baabuurteeda uu rasaas ku dhacay isaga oo ku safrayey inta u dhaxaysa Khartuum iyo Wadi Madani, oo ah magaalo yar oo qiyaastii 100 kiiloomitir (60 mayl) bari ka xigta Khartuum. Ma jirto cid wax ku noqotay dhacdadaas
Waadi Madani waxaa gabi ahaan gacanta ku haya ciidamada, halka Khartuum uu weli ka taagan yahay loolan adag, iyadoo ciidamada qalabka sida ay qabsadeen dhul ballaaran oo magaalada ah.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed