Faah faahinno dheeraad ah oo laga helay booqashada Xasan Sheekh uu ku tagay xerooyinka lagu tababaro ciidamada ku sugan Ereteriya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo dhiggiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa maanta oo Isniin ah booqday xerooyinka lagu tababaro ciidamada Badda iyo Cirka Soomaaliya ee ku yaalla dalka Eritrea.

Madaxweyne Maxamuud ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada, waxaana uu u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay iskaashiga dhanka ammaanka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea iyo taageerada joogtada ah ee ay ka siinayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, labada Madaxweyne ma aysan bixin faahfaahin gaar ah oo ku aadan in Askarta ay dib ugu soo laabtaan dalkooda si ay uga qeyb qaataan howlgallada ciidamada. Sida laga soo xigtay ilo-wareedka militariga, ciidamada Soomaaliya ee ay tababartay Eritrea ayaa door muhiim ah ka qaadanaya howlgallada militari ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Sannadkii 2019-kii, kooxdii ugu horreysay ee ciidamadan oo dhan 5,000, ayaa si qarsoodi ah loogu diray Eritrea si ay u soo tababaraan. Soomaali badan ayaa walaac ka muujiyay tababarkan, iyagoo ka cabsi qaba in qaar ka mid ah askarta Itoobiya loo adeegsado dagaalka Tigray-ga Itoobiya. Cadaadis ka yimid waalidiinta askarta ayaa sababay in lagu baaqo in la soo celiyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed