Faah faahin ku saabsan Shir aan caadi aheyn oo berrito ka furmaya Muqdisho

Maalinta beerito ah waxa lagu wadaa in shir baallaaran oo aan caadi aheyn in magaalada Muqdisho uu uga furmo iyo madax hore, siyaasiyiin & madaxda dawlada Soomaaliya kulankaan ay soo abbaabushay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha dolwadda Faderaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay Madaxda talada haysa, madaxdii & siyaasiyiin hore si ay uga soo qeyb galaan shirkaan  muhiim ka ah, oo ah mid wadatashi ah, oo  ku aaddan hannaanka wax ka beddelka doorashada soomaaliya, oo ay horay u soo sareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa lagu casuumay, Madaxweynayaashii hore, Ra’iisul Wasaareyaashii hore iyo Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee u aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali kheyre, Shariif Xasan Aadan Sheekh Guddoomihii hore ee Barlamaanka iyo madax kale ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kuwaas shirkaan ka qeyb galaya, waxana horay dalka ugu soo laabtay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sidoo kale dhinaca Puntland waxaa ka yimid Raiisal wasaarayaahsii hore ee dalka, Cabdweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharrmaake kuwaas oo iyaguna dhawaan ka yimid bannaanka, Madaxdaas iyo kuwa kale oo miisaan ku leh jaan goynyta siyaasadda Soomaaliya ayaa qeyb ka noqonaya Wadatashigaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabduulaahi Farmaajo uu ka cudurdaartay in uu ka qeyb galo shirkaan, arrimo u gaar ah, balse waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynaayo shirkaasi, sida lau baahiyay xafiiskiisa warbaahinta.

Shirkan waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ay ku dooneyso talo wadaag iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya oo dhawaan ay soo sareen Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya. Wufuudda ka qeybgaleysa shirkan ayaa qaar ka mid ah ay durba soo gaareen magaalada Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed