Faah faahin ka soo baxeysa Masuul lagu dilay Sh Hoose

Faah faahino kala duwan ayaa ka baxaya Masuul lagu dilay degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelada hoose, kaas oo ay weerareen kooxo dabley ah gudaha magaaladaasi.

Masuulka la dilay ayaa lagu magacaabaa Haashim Maxamaed Xasan oo ahaay Guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha Bulshada maamulka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ninkaan ayaa xalay waxaa weerar dil ah u geystay koox ku hubeysan  kuwaas oo adeegsaday Bistoolad, goobta ayaa laga soo qaaday meydkii Guddoomiya ku-xigeenkii  arrimaah Bulshada maamulka degmada Walanweyn.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in la dilay ruux kale oo la socday asiga, balse faah faahin dheeraf ah lagama bixin waxa uu ahay.

Maamulka degmada Wanlaweyn  ee gobolka shabeelada Hoose ilaa hadda kama aysan hadlin dilkaas. Mana jirto faah faahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed