Faah faahin ka soo baxeysa 5 qof oo ku dhintay iska horimaad dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kooxo hubeysan

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen weerar dabley hubaysan ay ku qaadeen ciidammo ka tirsan milateriga Somaliland ee fadhigoodu yahay Buuraha Naaso-Hablood ee magaalada Hargeysa, sida ay sheegayaan wararka.

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa, ayaa ka warbixiyey weerar ay ciidamada Milatarigu kala kulmeen dad hubaysan oo sheeganayey lahaanshaha qaybo ka mid ah dhulka buuralayda Naaso-Hablood oo ku yaalla Waqooyi Bari ee Hargeysa, halkaas oo ay ciidanku ku sugnaayeen.

“Dhulka dhawaan la isku qabsaday ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, dhulka lagu muransan yahay waa mid danta guud ah, wuxuuna hoos yimaadaa dowladda hoose, inkastoo aan ku dadaalnay inaan si nabad ah ku soo saarno ciidamada, haddana xaaladdu sidii la filayey uma dhicin,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Maanta oo Arbaca ah, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xaaladdu ay caadi ku soo laabatay, iyadoo ciidamada milateriga ay dib u soo laabteen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed