Faah faahin ka soo baxaya dab xooggan oo xalay ka kacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe

Dab xooggan ayaa xalay qabsaday suuq ku yaalla magaalada Jowhar  xarunta maamulka Hirshabeelle, waxana ka soo baxaya faah faahinno dheeraad ah, oo ku saabsan khasaarihii ka dashay dabkaas.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holac iyo qiiq cirka isku shareeray oo cirka isku shareeray markii uu dabku bilaawday. Sida ay sheegeen ganacsatadu dabka ayaa ka kacay goob ku taalla bartamaha xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

Inkastoo uu dabku geystay khasaare baaxad leh oo soo gaaray goobo ganacsi oo u badan meelaha lagu iibiyo tafaariiqda, haddana mas’uuliyiinta maamulka ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay dabkan.

Dabkan ayaa dhacay wax ka yar laba bilood ka dib markii dab kale oo aad u xooggani uu ka kacay isla suuqaas, kaasoo sababay khasaare hantiyeed oo aad u badan. Ganacsatada ayaan dheg jalaq u siin casharadii laga bartay aafooyinkii hore, mana jirto masuuliyad la iska saaray.

Magaalooyinka waa weyn ee Hirshabeelle ayaa waxaa ka taagan caqabad xoogan oo ka dhalatay gaadiidka la’aanta dab damiska, taasi oo caqabad ku ah inay si deg deg ah uga jawaabaan goobaha uu dabku ka kaco.

Deegannada ay Soomaalidu degto muddooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay in dabab xooggan ay ka kacaan goobaha gacansiga sida suuqyada, taasna waxaa ay saameeyn culus ku yeelataa dadka ku hanti waayo musiibooyinka uu sababo dabku.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed