Faaf faahin: Howlgallo lagu burburiyay qaraxyo ay leeyihiin Al shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa bayaan ka soo baxay lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ay howgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanno  degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, howgalladan ayey dowladdu sheegtay lala beegsaday goobo Al shabaab ay ku diyaarinayeen qaraxyo waa weyn oo lagu xiray gawaari kala duwan.

Howgalkaan ayaa dhacay  aroornimadii hore ee saakay deegaanka lagu magacaabo  Mukayle oo ka mid ah deegaannada ka tirsan  degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan. dowladdu waxaa ay sheegtay in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen Al sahbaab, kadib markii ay Sirdoonka Soomaaliya ay ka heleen xog ku saabsan in halkaasi lagu diyaarinaayay qaraxyo.

Bayaanka  ay soo saartay  dowladda Soomaaliya ayey ku sheegtay in howlgalka ka dhacay deegaanka Mukayle lagu beegsaday Garaash wayn lagu xareeyo baabuurta  oo ku yaala gudaha deegaanka Mukayle, halkaas oo lagu diyaariyay qaraxyada, slamarkaana lagu burburiyay gaadiid lagu diyaariyay qaraxyada.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in khasaaraha soo gaaray Al shabaab ay dowladdu faah faahimn dheeraad ah ka bixin doonto, muddooyinkii dambee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamiga ah ee taageero dowladda aya howgallo ka dhan ah Al shabaab waxaa ya k fulinayeen deegaanno hoos yimaado Hirshabeelle iyo Galmudug.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed