Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaablisan Soomaaliya oo Ku Wajahan Puntland iyo Ujeedka Safarkeeda.

Eragyaga, xooghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing oo dhawaan la wareegtay xafiiskeeda Soomaaliya , ayaa lagu wadaa in markii u horreysey ay booqato magaalada Garoowe ee xarunta Puntland tan iyo markii xafiiska loo soo magacaabey bishii hore ee Maajo ee sannadkaan, waxa socdo qorsho ay ku tageyso Puntland.

Safarkeeda ayaa ku soo aadaya iyada oo uu taagan yahay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Puntland kaas oo cirka gaaray muddooyinkii dambe mana jirto wax xal ah oo laga gaaray, dhawaan Puntland ayaa ka hortimid go’aankii wax ka beddelka arrimaha doorashooyinka dalka oo ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka maqneed Putnland.

Dhanka kale arrimaha Puntland ee dhanka siyaasadda ayaa cakirneed maalmihii dambe kadib markii siyaasiyiinta ka soo jeedo maamulkaasi ay ka horyimaadeen hannaanka doorashada Puntland taas oo sababtay in Gobolka Nugaal aysan ka dhicin doorashadii Golaha deegaanka ee Maamulkaasi.

Ergeyga ayaa lagu wadaa in ay kulan la yeelato Madaxweynaha Puntland Saciid Deni markii ay takto Garowe, iyada oo kala hadli doonto arrimo badan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi iyo arrimaha kale oo la xiriirto xal u helida Khilaafka Puntland iyo Dowladda dhexe.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed