Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in taageero caalami ah lasiiyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.
Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn tababar oo kaliya, balse ay u baahan yihiin hub, qalab iyo xirfad ay ku shaqeystaan saraakiisha iyo in laga qaado cunaqabateynta hubka si dalka uu hub u soo iibsado.
Souef ayaa sheegay in qaar ka mid ah dalalka ciidamada u soo diray Soomaaliya ay isku afgarteen in ay qalab, gaadiid, iyo qoryo ugu deeqaan ciidamada Soomaaliya marka ay baxayaan bisha December ee sanadka soo socda.
Wuxuu xaqiijiyay in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu ansixiyay codsigii Soomaaliya ee ahaa in la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo nabad ilaalin ah muddo saddex bilood ah. “Si rasmi ah ayaa dib loo dhigay muddo saddex bilood ah.”
Mar wax laga weydiiyay in dowladda Soomaaliya ay dhayalsaneyso mas’uuliyadda ka saaran Midowga Afrika iyo la dagaalanka Al-Shabaab, Souef wuxuu sheegay in Soomaaliya ay “rabitaanka siyaasadeed” ka leedahay in mas’uuliyadda amniga ay kala wareegto ciidamada Midowga Afrika.
Souef ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay ka sugayaan dalka Burundi diyaarado helicopter ah si ay dowladda Soomaaliya ugu soo kordhiso labadii diyaaradood ee ay horay uga heleen Uganda.
HBN NEWS DESK