Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Oo Ku Baaqa U Jeedisay Somaliland Iyo Maamulka SSC-Khaatumo

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa ugu baaqday maamulka SSC-Khaatumo iyo Somaliland inay si nabad ah isku dhaafsadaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan.

Labada dhinac ayaa maxaabiis ku qabtay dagaalkii sideed bilood ee u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood, iyadoo maxaabiista ugu badan ay hadda u xiran yihiin maamulka SSC iyo Khaatumo.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare ayaa maanta  ka hadlayay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si loo xuso maalinta Qaramada Midoobay.

Intii ay khudbada jeedinaysay Catriona Laing waxay ku boorisay dhinacyada inay ka waantoobaan rabshado kale oo ka dhaca Laascaanood.

Waxa ay carabka ku dhufatay in loo baahan yahay in si nabad ah lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya SSC iyo Somaliland, iyadoo carabka ku adkeysay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inay gacan ka siiso dadaalada nabada iyo xalinta khilaafaadka.

Waxay intaas ku dartay in xaaladda Laascaanood ay weli tahay mudnaanta koowaad ee Qaramada Midoobay.

Bishii September, Hay’adda ICRC waxay booqatay in ka badan 300 oo maxbuus oo lagu soo qabtay dagaalladii ugu dambeeyay ee ciidamada Somaliland iyo kuwa SCC-Khaatumo ku dhex maray magaalada Laascaanood

Hase yeeshee lama sheegin tirada rasmiga ah ee maxaabiista lagu arkay caasimadda Somaliland.

HBN NEWS DESk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed