Erdogan iyo Vladimir Putin oo ka hadlay aamusnaanta reer galbeedka ee duqeymaha Israel ee ka dhanka ah Qaza

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa  u sheegay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin baaq ah in amusnaanta dalalka reer galbeedka inay uga sii darayso dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza, sida uu sheegay xafiiska Erdogan.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Erdogan uu Putin u sheegay in duqeymaha waxshinimada ah ee ku wajahan dhulka falastiiniyiinta ay sii kordhayaan iyo in dadka rayidka ah si joogto ah loo laayo.

Waxa uu sidoo kale ku celceliyay hadaladii hore ee ahaa in Turkey oo ah xulafada NATO, ay sii wadi doonaan ka shaqaynta sidii xasilooni looga dhalin lahaa gobolka, ayaa warku intaa ku daray.

Wadamada reer galbeedka ayaa carabka ku adkeeyay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo ka dib markii 7-dii Octobar ay dagaalyanada Xamaas weerar ku qaadeen magaalooyinka dhulka ay heystao  Israel.

Tan iyo markaas, kumannaan qof ayaa lagu dilay duqeymo culus oo maalin kasta ay Israa’iil ku hayso Gaza, oo ay maamusho Xamaas. Putin uu u sheegay Erdogan in Ruushka iyo Turkiga ay inta badan ku heshiiyeen arrinta Israel iyo Falastiin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed