Eedeysane dil ka geystay Guriceel oo gacanta lagu dhigay laguna soo bandhigay magaaladaas

Maamulka degmada Guriceel ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha oo maalmo ka hor dil ka geystay isla degmadaas, kaasoo lagu soo qabtay howlgal culus.

Goob fagaare ah ayaa lagu soo bandhigay saacado kahor Cabdisalaan Cali Axmed oo ku eedaysan dilka marxuum Cabdulaahi Cali Hudey oo ahaa walaalka taliyaha Booliiska degmadaasi oo la diley tobankii bishaan.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa hey’adda Nisa, sida ay muujinayaa sawiradiisao oo lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta.

Hay’addaha amaanka ayaa ninkan ku eedeysan dilka xalay gacanta kusoo dhigay xilli uu isku dayay inuu baxsado, waxaana soo qabashadiisu qaadatey dhowr maalmood oo lagu raad joogay kadib.

fagaaraha bandhigan waxaa ku sugan Maamulka degmada’ Odayaasha dhaqanka’ Saraakiil’ Bahada saxaafadda iyo qeybaha ka duwan bulshada waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan maxkamad uu kasoo muuqdo Cabdisalaan Cali Axmed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed