Eedeysanayaal loo heysto inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwado la xiriira argagixisanimo oo ka dhan ah xubnaha Al-Shabaab ee loo heysto qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Yuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka ayaa waxaa gacanta ku dhigay  sirdoonka kaas oo  ka howlgalayay Muqdisho iyo wadada aada Afgooye.

Xubintaan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay Qarax Miino oo ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 4 Qof oo ay ku jiraan Hooyo iyo Labo Carruur ah oo ay dhashay iyo Ninkii waay bajaaj ay saarnaayeen.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Sareeye Gaas Axmed Cabdalla ayaa sheegay in ninka la soo qabtay uu la shaqeyn jiray Al-Shabaab uuna u qaabilsanaa qaraxyada.

Ruqiyo Jaamac Khayre ayaa sidoo kale ka soo hormuuqday Maxkamadda, waxaana lagu eedeeyay in ay Al-Shabaab ku keydsatay hubkii y deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxana gurigeeda lagu keydin jiray hubka iyo qaraxyada, ka dhanka ah Muqdisho iyo deegaannada ku teedsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa gebagebadii maanta sheegay in ay soo bandhigi doonaan go’aanka xiga ee dhawaan la soo saari doono.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed