Eedeeysanayaal Ajaanib ah oo la hor geeyay Maxkamad ku taal Muqdisho

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeysay garmaqalka dacwad  loo hesytay kulluumeysato Ajaanib ah, oo ku eedeeysnaa  in si sharci darro ah ug kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya sannadkaan.

Eedeysanayaasha oo gaaray 36 ruux ayaa  horay waxaa xukun ugu riday  Maxkamadda gobolka Banaadir, balse   qareenadooda ay sheegeen in aysan ku qancin xukunka Maxkamadda kadibna waxay qaateen racfaan.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya  ayaa fadhiga maanta kusoo bandhigay qalabka lagula socdo dhaqdhaaqa maraakiibta, kaas oo sheegayay xilliyada doomahaan ay soo galeen aagga dhaqaalaha gaarka ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir Garyaqaan Saciid Cali Maxamed ayaa soo gaba-gabeeyay fadhiga maanta waxaana uu sheegay in Maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto Eedeeysanayasha.

 

36 Ruux ayaa ka soo jeeda dalalka Iran iyo Pakistan, Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa ka soo qabtay xeebaha iyaga oo ku jiro kalluumeysi sharci darro ah. Waxana horray loogu xakumay in ay bixiyaan 11 kun oo dollar qof walbe oo iyaga ka kamid ah.

 

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed