Duqeyn culus oo lagu garaacay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe oo uu ku yaal saldhiga ugu weyn ee Al shabaab

Diyaarado looga shakisan yahay in ay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa weerar dhanka cirka ah ku qaaday xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya xilli weerarku uu ahay mid culus, iyada oo gantaalo halis ah lagu garaacay gobolka Jubada Dhexe.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay dhowr gantaal ku dhufteen degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana wararku ay intaa ku darayaan in qaar ka mid ah gantaalladaasi lagu garaacay goobo ay ku shiraan Al-Shabaab.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta xalay ka dhacday degmada Bu’aale, mana jirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara maadaama xilliga uu weerarku dhacayay ay hawada ka maqneyd isgaarsiinta magaalada.

Weeraradan ayaa la rumeysan yahay inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Kenya, kuwaasi oo inta badan weeraro ka geysta deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin duqeyntii xalay ka dhacday magaalada Bu’aale oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa ka howlgala deegaanada maamulka Jubaland ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Oktoobar 16-keedii, 2011, Ciidanka Difaaca Kenya waxay u dhaqaaqeen Koonfurta Soomaaliya si ay ula dagaallamaan  Al Shabaab kaddib afduubyo xiriir ah oo loo geystay dad dalxiisayaal ah oo ku sugnaa xadka.

Bishii Janaayo 2016 Al Shabaab ayaa weerar khasaara badan dhaliyay ku qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku dileen askar badan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed