Duqeyn cirka ah oo lagu dilay hogaamiyihii sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab gobolka Galgaduud

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay magaalada Ceelbuur lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo shir halkaasi uga socday, sida lagu faafiyay Wasaaradda Gaadhaandhigga Soomaaliya.

Weerarkan oo la rumeysan yahay in Mareykanka uu fuliyay, in kastoo aanan la xaqiijin, ayaa waxaa lagu dilay dhowr hoggaamiye oo uu ku jiro madaxii maaliyadda ururka Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Sahal.

Taliyaha guutada 26-aad ee ciidanka Danab Sareeyo Gaas Ismaaciil C.maalik oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgallada.

Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa maxalli ah ayaa qeyb ka ah howlgalka milateri ee Soomaaliya ka socda, kaasi oo la doonayo in kooxda Al-Shabaab looga xoreeyo deegaannada ay gobolka ga joogaan.

Magaalada Ceelbuur ayaa ka mid ah deegaannadii dhawaan ay dowladdu la wareegtay, balse markii dambe ayay ciidamadu isaga baxeen kaddib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay deegaanka Cawsweyne  kaasoo lagu dilay askar badan.

Muddooyinkii dambe duqeymo dhanka cirka ah ayaa lagu dilayay hoggaamiyaal sar sare oo ka tirsanaa Al shabaab, kuwaas oo ay soo bandhigeysay dowladda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed