Duqeymo Dhaliyay Dhimasho oo Laga Fuliyey Gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in duqeymo cirka laga fuliyay deegaanno ay kamid yihiin Salagle iyo Saakow, waxaana ka dashay khasaaro dad shacab ah iyo burbur kala duwan.

Baraha ay ku xiriirto bulshada ayaa lagu faafiyay dhacdadaan ku saabsan duqeynta gobolka Jubada dhexe, waxaa la xaqiijiyay  in ay ku dhinteen Caruur iyo Hooyadood, iyada oo lagu dhaawacay qof kale.

Dhismaha xarunta shirkada Hormuud ee Saakow waxaa gaaray burbur xooggan   guryo dad rayida ay dagganaayeen.

Warar aan si buuxda loo shaacin ayaa sheegaya in duqeynta ay geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya, inkastoo aanay jirin cid si buuxda u caddeysay oo ka mid ah Kenya ama Dawlada Soomaaliya.

Magaalooyinka gobolka Jubada Dhexe waxaa gacanta ku haya Ururka Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed