Duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Suuriya oo lagu dilay xubin sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo jawaab laga bixiyay

Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay meel ka baxsan caasimadda Suuriya ee Dimishiq maanta oo Isniin ah ayaa lagu dilay la-taliye sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran, sida ay sheegeen saddex ilo dhanka ammaanka ah iyo warbaahinta dowladda Iiraan.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in la taliyaha oo loo yaqaanay Sayyed Razi Mousavi uu mas’uul ka ahaa isku xirka xulafada militari ee ka dhaxeeya Suuriya iyo Iran.
Telefishinka qaranka Iran ayaa joojiyay barnaamijkiisii ​​caadiga ahaa si uu u shaaciyo in Mousavi la dilay, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ah la taliyayaasha sare ee Suuriya ee ilaalada kacaanka Islaamiga ah.

Safiirka Iran u jooga Dimishiq, Hossein Akbari, ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in Mousavi lagu dhajiyay safaarada isagoo ah dublamaasi, waxaana gantaalada Israel ku dilay markii uu ka soo laabtay shaqadiisa.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa sheegay in dilka Mousavi uu muujinayo daciifnimo dhanka Israel ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed