Duqeymaha cirka ee Israa’iil oo waxyeelo u geystay garoomada diyaaradaha ee Suuriya iyo xiisad culus oo u dhaxeyso Israa’iil iyo Xisbullah

Dalka Suuriya, wakaaladda wararka dowladda ee SANA ayaa sheegtay in gantaallada Israa’iil ay ku garaaceen garoomada diyaaradaha ee caasimadda Dimishiq iyo waqooyiga magaalada Xalab, kuwaasoo waxyeello u geystay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Waxa ay sheegtay in hal qof oo ka mid ahaa shaqaalaha garoonka uu ku dhintay weerarradaas midna uu ku dhaawacmay. Duulimaadyadii ayaa loo wareejiyay Gegida Diyaaradaha ee Lattakia.

Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr jeer labada garoon diyaaradeed weeraray sanadkii la soo dhaafay. Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in Israa’iil la rumeysan yahay in ay isku dayeyso in ay ka hortagto shixnadaha hubka ah ee ka imaanaya Iran una socda xulafada Bariga Dhexe, waxaana ugu caansan kooxda Xisbullah ee fadhigeedu yahay Lubnaan.

Dhanka kale, maamulka Israa’iil ayaa Axaddii ku dhawaaqay in 14 ka mid ah bulshooyinka Israa’iil ee ku dhow xuduudda Lubnaan la daad-gureyn doono. Goobahaasi ayaa waxaa lagu weeraray gantaalo  kaga imaanayay Xisbullah iyo kooxaha falastiiniyiinta tan iyo weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Xamaas ay ku qaadeen Israel 7-dii October.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa Sabtidii shalay duqeeyey bartilmaameedyo ay kooxda Xisbullah ku leedahay dalka Lubnaan. Ururka Xisbullah ayaa sheegay in lix ka mid ah dagaalyahannadooda lagu dilay Sabtidii xadka, taasoo ka dhigaysa 19 dagaalyahannada la dilay labadii toddobaad ee u dambeeyay.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah askartooda oo ku sugnaa xadka uu ku dhacay gantaalka lidka taangiyada, uuna dhaawac culus soo gaaray.

Dagaalka ka socda xadka Lubnaan iyo Israa’iil ayaa ah kii ugu xumaa tan iyo dagaalkii 2006-dii dhexmaray Israa’iil iyo Xisbullah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed