Dunida oo si wayn looga cambaareeyey xadudubyada ka dhanka Kitaabk Quraanka

Cambaareyn caalami ah ayaa loo jeediyay tilaabooyinka xadgudubka ah ee Sweden ka socda ee ka dhanka Kitaabka Quraanka Kariimka, iyadoo dhacdadii ugu dambeysay shalay ka dhacday magaalada Stockholm ee caasimada ah.

Dalalka Ciraaq, Iiraan & Lubnaan ayaa laga qorsheynayaa in laga dhigo bannaanbaxyo, ka div markii shalay nin asalkiisu Ciraaq ka soo jeedo oo qaxootinimo ku tagay Sweden uu Kitaabk Quraanka kabaha kula dulsocday isla markaana ku jeex jeexay kadinka hore ee safaarada Ciraaq ku leedahay dalka Sweden.

Saacado ka hor intii aanu falkaasi aanu dhicin, boqollaal mudaharaadayaal ah ayaa gudaha u galay safaarada Sweden ee magaalada Baqdaad, waxaana ay dab qabad siiyeen dhismaha iyagoo taasi ku muujinaya carada ay ka qabaan in lagu xadgubdo Kitaabka Quraanka ee barakaysan.

Ra’isalwasaaraha Ciraaq  Maxamed Shia al Sudani ayaa amray in dalkaasi uu si deg deg ah uga baxo safiirka Sweden, waxaana sidoo kale Ciraaq u yeeratay wakiilkeedii dalka Sweden.

Dalka Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinkaasi,w axaana uu ugu baaqay dalalka ku jira ururka Islaamka ee ka kooban 57 xubnood inay qaataan go’aan adag oo taariikhi ah oo ay Muslimiintu ku joojin lahaayeen xadgudubyadan.

Saudi Arabia  & Qatar, waxay u yeereen safiirrada Sweden ka jooga dalalkooda waxaana ay u gudbiyeen go’aan ay ku dalbanayaan in Sweden joojiso ficilladan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in uu la qaybsanayo dadka Muslimiinta sida uga xun yihiin falalka xadgudubka ku ah qiyamka ee gubista Kitaabka Quraanka.

Dawlada Britain war ay galabta soo saartay waxay si adag ugu cambaareysay in la gubo Kitaabka Quraanka Kariimka, waxaana ay ku baaqday in la ixtiraamo Kutubta Diiniga ah.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed