Dowladdaha Soomaaliya iyo Burundi oo Shir Uga Bilaawday Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee  Burundi Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo booqasho dhowr Maalin ah ku joogi doono Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa Wafdigaan ku soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, waxayna yeesheen kulan horudhac ah, wasiirka ayaa waxaa sidoo kale uu kulamo la qaadan doonaa madaxda howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Sidoo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan.

Dowladda Burundi ayaa kamid ah dowladaha Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, iyaga oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, Sidoo kale dagaalka wajiga Labaad ee ka dhanka ah Al Shabaab ayey qeyb ka yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Horumarinta iyo Iskaashiga ee Burundi Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah oo laba maalin ah uu ku joogayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wafdiga wasiirka oo uu ka mid yahay General Silas Ntigurirwa, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka Ciidamada ayaa la filayaa inay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya u wafdigaan kala hadli doono dagaalka Al shabaab ee wani sidii  ay uga qeyb qaadan lahaayeen Ciidanka Burundi kuwaas oo Soomaaliya Taniyo 2007.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed