Dowladda UK oo malaayiin lacag ah ku taageertay dagaalka ka dhanka ah Al shabaab

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in 5 milyan oo dheeri ah oo ay ku bixineyso sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loogu taageero ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Lacagtan cusub ayaa lagu shaaciyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh oo booqasho ku timid Soomaaliya toddobaadkii hore.

Maalgelintu waxay ku dhisan tahay tabarucaadka la taaban karo ee UK ay siineyso Soomaaliya, iyada oo loo marayo Sanduuqa Trust ee UNSOS, kaas oo siiya taageero saadka ee ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Maalgelinta UK waxay siin doontaa taageero joogto ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, laakiin waxay sidoo kale ka caawin doontaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si ay u dhisaan tayada marka ay qaadayaan mas’uuliyado amni oo ballaaran oo dalka ah.

Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka, Dame Sarah MacIntosh, ayaa tiri:
“Boqortooyada Midowday (UK) waxay sii wadaysaa taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si ay u raadiso Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah. Iskaashiga UK iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa Soomaalida u horseedaya mustaqbal ifaya”.

UK ayaa kamid ah saaxiibada ugu horreeyo ee taageerada dhanaka dhaqaalaha siiya dowladda Soomaaliya, waxayna sidoo kala ka qeyb qaataan arrimaha ammaanka, siyaasadda, hormarinta iyo xoojinta tababarka ciidamada Soomaaliya la siiyo.

HBN NEWS DESK

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed