Dowladda UK oo lacago gargaar ah ugu deeqday Soomaaliya isla markaana loo adeegsan doono fatahaadaha

Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday in ay ku bixinayso ku dhawaad ​​7 milyan oo doolar (£5.5 milyan) si ay u xoojiso wax ka qabashada bini’aadantinimo ee fatahaadda El Niño ee dhibaatada xooggan ka wada Soomaaliya,

Ku dhawaaqistan ayaa daba socota roobab mahiigaan ah oo dhawaan da’ay iyo fatahaado saameeyay in ka badan laba milyan oo Soomaali ah, waxana ku barakacay in ka badan 700,000 oo qof.

Saamaynta xun ee isbedelka cimiladu waxay Soomaaliya gelisay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka. Andrew Mitchell, wasiiru dowlaha horumarinta iyo Afrika, ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay daboolka cusub ee caymiska abaaraha, isagoo carabka ku adkeeyay doorka ay ku leeyihiin ilaalinta iyo u diyaarinta bulshooyinka Soomaaliyeed dhibaatooyinka cimilada aadka u daran.

Hindisahani waxa uu waafaqsan yahay ballan qaadkii  UK oo ahaa 100 milyan oo gini si loogu taageero waddamada cimiladu u nugul, sida lagaga dhawaaqay COP28 December 3. Baaq ku aaddan wax-ka-qabashada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo nolosha, caafimaadka, iyo hab-nololeedyada Saamaynta isbeddelka cimilada ayaa looga dooday shirka UK.

Taageeradu waxay ka dhigan tahay dadaal wadajir ah oo wax looga qabanayo baahiyaha degdegga ah ee bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey iyadoo lagu dadaalayo adkeysiga cimilada muddada-dheer.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed