Dowladda UK oo ku dhawaaqday 100 Milyan oo Giniga oo lagu kobcinayo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak, ayaa ku dhawaaqay 100 milyan oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, oo ka kooban kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha.

Ra’iisul Wasaare Sunak ayaa ku dhawaaqay dhaqaalahan intii lagu guda jiray kulankii Isniintii uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhinac socday Shirka Amniga Cuntada Adduunka ee ka dhacaya London.

Madaxweyne Maxmauud waxa uu carabka ku adkeeyay caqabadaha hortaagan shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa macluusha la baajiyay 2022-ka iyo cimilada hadda jirta ee keentay qalalaasaha xooggan ee ka jira dalka, taasoo sababtay dhimashada 50 qof tan iyo bartamihii bishii October. Waxa uu sidoo kale ka hadlay cunno yarida caalamka, isagoo muujiyay muhiimada hal-abuurka iyo adkeysiga cimilada.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ballan qaadka UK ee 100 milyan oo gini oo gargaar ah oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday iskaashiga caalamiga ah.

Shirka Sugidda Cunnada Adduunka oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen UK, Imaaraadka iyo Soomaaliya, ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday in ka badan 20 dal, iyadoo ujeedadu tahay in laga wada hadlo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu gaarayo ka takhalusidda gaajada.

HBN NEWD DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed