Dowladda Turkiga oo gargaar u soo dirtay Soomaaliya iyo faah faahin laga bixiyay

Dowladda Turkiga ayaa gargaar u soo dirtay Soomaaliya, kaas oo loogu talagalay in dadka ay roobabka iyo fatahaaduhu saameyeen la gaarsiiyo, waxana laga soo dajiyay garoonka diyaardaha ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee (SODMA Maxamuud Macallin ayaa deeqdaan  gargaar ah ka guddoomay hay’adda IHH Humanitarian Relief Foundation oo ah hay’ad Turki ah oo ka shaqeysa arrimaha bani’aadanimada.

Gargaarkan ayaa isugu jiray cunto, maryaha loogu talagalay Kaneecqada iyo teendhooyinka casri ah oo la siinayo qoysaska ka soo barakacay deegaannadii ay daadadku ku dhufteen iyo agabka kala duwan ee guryaha. Xirmada gargaarka ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo bulshooyinka ay saameeyeen fatahaadaha El Niño kuwaas oo u baahan gargaar bini’aadannimo.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyey Hey’adda IHH sida deeqsinimada leh ee ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed. Gargaarkan ayuu sheegay in loo qeybin doono dadka tabaaleysan ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya oo fatahaaduhu ay geysteen khasaare iyo barakac.

Wakiilka Mu’asasada IHH ayaa sheegay in Hay’addu ay ka go’an tahay sidii ay u garab istaagi lahayd shacabka Soomaaliyeed xilliyada ay dhibaatada ku jiraan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed