Dowladda Turkiga oo bayaan adag ka soo saartay hishiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee dhaliyay xiisada diplomaasiyadeed

Dowladda Turkiga ayaa bayaan adag ka soo saartay hishiiskii dhexmaray dowladda Itoobiya iyo somaliland, Waxayna sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiskii Is-afgaradka iyo Iskaashiga ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa January 1, 2024, iyadoo aan oggolaansho laga helin dawladda Soomaaliya, ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Ankara.

Sidoo kale nuqul kamid ah warbixinta ayaa lagu yiri ‘Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa kale oo ay Dowladda Turkiga sheegtay inay tallaabooyinka noocan oo kale ah loo baahan yahay inay waafaqsanadaan shuruucda caalamiga.

Turkiga aya sheegtay in ay rajeynayaan  in khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wada-hadal toos ah iyo Soomaali dhex-marta, waxaanan ku celinaynaa inaan taageerayno hindisaha jihadaas.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay inay taagersan yihiin, kana go’aan tahay midnimada, gobanimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed