Dowladda Soomaaliyta iyo saaxiibada Caalamiga ah oo dilay 30 ka tirsan dagaalyahannada Al shabaab Shabeelada Hoose

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ay dileen xubno ka tirsan Al shabaab, weerarkaan oo ka dhacaay gobolka Shabeelada Hoose. Ilaa 30 dagaalyahan ayey sheegtay xukuumaddu in ay wareerkaas ku dhinteen.

“Ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay in ka badan 30 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab kadib markii ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay dowladda.

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa dhanka kale  ka hortagay weerarka dagaalyahannadu ay doonayeen in ay fuliyaan, waxayna burburiyeen gaadiidkii ay la socdeem xubnaha Al shabaabka ah, sidoo kale waxaa jiro dhaawacyo soo gaaray.

Muddooynkii dambe ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waday howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo ka dhacayay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed