Dowladda Soomaaliya: waxan dilnay in ka badan 3,795 oo ka tirsan  Al-Shabaab tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la dilay in ka badan 3,795 oo ka tirsan  Al-Shabaab tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay waddo dowladda.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, Daa’uud Aweis Jaamac in ka badan 120 goobood ayaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa deegaanka ay ka xoreeyeen ururka Al shabaab

Dhanka kale bayaanka ayaa lagu yiri “iyadoo  Al-Shabaab ay jab weyn gaarsiiyeen ciidamada xoogga dalka ayaa burburiyay 73 saldhig iyo 68 shabakadood oo ay shacabka ku marin habaabiyeen”.

Wasiirka Warfaafinta ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in DFS ay dagaal dhinac walba ah kula jirto aAl-Shabaab oo ay ku jiraan ganacsatada taageeraya iyo qaab kasta oo ay dhaqaale ku heli karaan.

Dawladdu waxay joojisay lacag aad u badan oo dhan 150 milyan oo doolar oo Al shabaab ah heli jirtay, ka dib markii xayiraad dhaqaale lagu soo rogay, sida lagu sheegay bayaanka.

Sidoo kal bayaan ayaa lagu yiri “Barnaamijyada Warfaafinta ee Kooxda  ay lahaan jireen ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya ay xirtay 4 Idaacadood, 12 Mareegaha Internet-ka, iyo 14,789 Baraha Bulshada oo ay ku faafin jireen afkaartooda xun xun’.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May 2022 waxa ay dagaal adag kula jirtay Al-Shabaab .

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed