Dowladda Soomaaliya oo Xukun Ku Riday Eedeysanayaal Ajaanib ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay go’aan laga agaaray kulluumeysato Ajaanbi ah ee lagu qabtay xeebaha dalka, kuwaas oo ku jiray kulmeysi sharci darro ah, waxan horay loo geeyay Maxkamad, iyada oo heerar kala duwan uu soo maray dacwadda loo heystay, balse maanta ayaa lagu riday xukuno ganaax iyo magdhaw.

Eedeysanaayasha oo gaaraya wadar ahaan 36 ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir  ku xukuntay inay bixiyaan midkiiba lacag 11 kun oo dollar oo ganaax ah, 30 kun oo dollar oo magdhow kalluunkii ay Soomaaliya ka qaateen ah, doomahii iyo qalabkii kalluumeysi ee saarnaa iyo sidoo kale kalluuunkii lagu qabtay.

Si kastaba, Eedeysanayaashaan ayaa xilligii la qabanaayay waxaa ay wateen kalluun gaaraya 30 kun oo tan, kuwaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Iiraan iyo Pakistaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed