Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Sufyaan Taakeeye oo lagu eedeeyay in uu faafinayay afkaarta xagjirnimada

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Nisa  ayaa waxay maanta gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo loo yaqaano Takeeye, kaas oo dowladdu sheegtay in uu faafinayay afkaarta xagjirnimada.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Taakeeye uu muddooyinkii dambe aad u buun buuniyay fikradaha xagjirka ah ee wax u dhimaya nabadda, xasiloonida, iyo dowladnimada Soomaaliya isagoo sidoo kale taageero siiya uruka Al shababa Al-Shabaab, sid alagu sheegay bayaanka.

Hay’adda Nabad Suggida ayaa bilowday baaritaano iyo wareysiyo lagu eegayo xiriirka ka dhaxeeya  Sufyaan Takeeye iyo dagaallamayaasha Al shabaab, kaas oo laga keenay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegtay dowladdu.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Nabad Suggida, ayaan faah faahin gaar ah ka bixin cidda kala shaqeysay soo qabashada Taakeeye oo ku noolaa dalka Kenya. Waxaa xusid mudan in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyay xiriir wanaagsan tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii hore.

Sufyaan wareysiyo dhowr ah oo uu bixiyay ayuu ku sheegay in uu yahay hogaamiyaha urur siyaasadeedka Talakunool oo ay xubno ka yihiin in ka badan 15,000 oo xubnood. Sidoo kale, Tageeye ayaa u ololeynaya in la beddelo calanka Soomaaliya, laguna dhaqo dalka shareecada Islaamka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed